Gudoomiyaha Jaamacadda oo ay wehliyaan Manduubka Jaamacadda ee Suudaan iyo qaar kamida ardayda ISHU oo Suudaan ujoogo waxbarashada Heerka 2aad ayaa gurigiisa ku booqday Gudoomiyihi hore ee Jaamacadda Ifriiqiya al caalamiyyah

Gudoomiyaha Jaamacadda oo ay wehliyaan Manduubka Jaamacadda ee Suudaan iyo qaar kamida ardayda ISHU oo Suudaan ujoogo waxbarashada Heerka 2aad ayaa gurigiisa ku booqday Gudoomiyihi hore ee Jaamacadda Ifriiqiya al caalamiyyah ahna xiligaan Madaxa Midowga Jaamacadaha Islaamiga ee afrika,Xubina ka ah Golaha Sare ee Jaamacadda Prof.Kamal Mohamed Cubeyd oo ah Shakhsi in muda ka shaqeynayay dib usheshiisiinta Soomaalida iyo Horumarkooda xaga waxbarashada.
Waxaa uuna Gudoomiyuhu Gudoonsiiyay Profka Hadiyada Jaamacadda ee Shakhsiyaadka waxtara Bulshada Soomaaliyeed ayada oo uu si aad ah uga mahad celiyay Prof. Kamaal booqashadaas iyo hadiyadaas, Sidoo kalana balan qaaday in uu garab taaganyahay Jaamacadda goob iyo goor waliba.
Dhinaca kale Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xaflad Soo dhaween heerkeedu sareyso usameeyay Shiikh Mukhtaar Mohamed Hassan oo kamida Culimada waaweyn ee Suudaan iyo gobolka intaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *