Dowro/Tababar ay u qabatay Akaadeemiyada sare ee Daraasaadka Istiraatiga iyo Amniga ardaydii kasoo qalin Badalatay Jaamacadda ee Suudaan Masterka ka diyaariniya.

Alx waxaa maalintii Khamiista lagu soo gaba gabeeyay magaalada khartoum Dowro/Tababar aad uheer sareeya oo cinwaankiisu yahay”Dhisida awoodaha Istiraatiijiyada iyo amniga”. waxaana qabtay dowrada Akaadeemiyada sare ee Daraasaadka Istiraatiga iyo Amniga ka dib Dalab uga yimaaday Jaamacadda Al-Imaam Al-Shaafici, iyada oo ay kafaaideesteen ardaydii kasoo qalin jabisay Jaamacadda ee Suudaan Masterka Minxada ka helay’ Madaxda midowga guud ee ardayda soomaaliyeed iyo qaar kamida aqoonyahanada iyo ganacsatada soomaaliyeed ee suudaan. waxaana la gudoonsiiyay shahaadooyinka ardaydii dhameysatay Siminaarka. waxaa sidoo kale Gudoomiyaha Jaamacadda ow gudoonsiiyay Shahaado Sharaf Mudiirka Guud ee akaadeemiyadda asigoona mudiirka akaadeemiyada amaanay Doorka Jaamacadda ee Horumarinta bulshada soomaaliyeed. Guul bahda ISHU dhammaan iyo bulsha weenta soomaaliyeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *